Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu macalin u noqdo da’yarka reer France ee Kylian Mbappe.

Zidane ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Real Madrid oo waqti fiican kuso qaatay lkn Madrid dhibaato ayeey gashay tan iyo markii uu ka hayaamay Zidane ugu dambeynna dib ayeey uso celiyeen.

Hadaba tan iyo markii uu soo laabtay Tababare Zidane waxaa uu durba dalbaday xidigo oo uu isleehay dib ayeey kooxda uso kicinkaraan xidigaha uu dalbaday waxaa ka mid ah Neymar, Mbappe,Hazard iyo Pogba.

Waxaa uu aad ugu hadlay rajada uu ka qabo in uu mar uun Tababare u noqdo dhaliyaha kooxda PSG iyo xulka France Kylian Mbappe isagoona arintiisa ka hadlaya waxa uu yiri”

“Runtii waan jeclaan lahaa inaan mar uu Tababare u noqdo Mbappe waayo waa xidig da’yar oo cajiib ah tayo ahaan iyo farsamo ahaanba aad uu u sareeyaa waxaana jeclaan lahaa inaan halkan keeno” ayuu hadalkiisa kuso koobay Tababare Zidane.