Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shangaani oo kuwda jira Group A ayaa kulan adag ku yeeshay garoonka jaamacdaha ee magaalada Muqdisho, waxayna isla dhaafi waayeen barbaro 2-2.

Yaaqshiid ayaa goolasha ku hormartay waxaana qaybta labaad ee ciyaarta daqiiqadihi 50 iyo 58 u kala dhaliyay laacibka no-19Mursal Cabduqaadir Deexeey iyo Mustaf Axmed Cabdullaahi.

Dhanka shangaani waxaana goolasha oo mid kamid ah daqiiqadihi u dambeeyay ciyaarta dhashay u kala saxiixay Cabdullaahi Cusmaan Shiikh Nuur oo daqiiqadi 61 saxiixay iyo Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo daqiiqadi 80 saxiixay maadaama ay ciyaaraha degmooyinkawaqti ahaan la ciyaaro mid 40 daqiiqo oo labada qayb ah taasoo ka dhigan in ay Shangaani goolka barbaraha heshay daqiiqadi u dambaysay ciyaarta.

Kulamada maalinta saddaxaad ee tartanka waxaa ku ballansan.

Shibis vs Xamar Jajabgaraoonka jaamacadaha.

Kaaraan vs Howl-wadaag Garoonka Banaadir.