Xulka Qatar oo ku guuleystay Asian Cup 2019

Xulka Qatar ayaa ku guuleystay Koobka Asian Cup 2019 ee lagu qabtay Dalka Isugu tagga Imaaraatka Carabta.

Ciyaartii kama dambeysta ahayd waxa ay galabta la dheeleen Xulka Japan 4-jeer ee Japan, kadib Ciyaar kusoo dhamaatay 3-1 gool.

Xulka laga adkaaday ee Japan ayaa koobka Asian Cup horay ugu guuleystay (1992*, 2000, 2004, 2011).

Ciyaar yahanka Akram Afifi ayaa ku lug lahaa Saddexda Gool ee Xulkiisa ku hanteen Koobka, labo kamid ah ayuu caawiyay ama dhiibay, halka kan kale uu ahaa Gool ku laad (Penalty) loo dhigay.

Qatar waxa ay ugu dhigan tahay Guushii ugu horeysay oo ay ka gaareen Xulka Japan oo ay is arkeen 7-jeer, saddex kamid ah Qatar laga badiyay, halka afarta kale ay Bar-bar dhac galeen.

Kulankaan ayaa ka dhacay Zayed Sport City Stadium, waxaana Garsoorayay Ravshan Irmatov oo u dhashay Dalka Uzbekistan.

Marti geliyaasha Koobka Adduunka 2022 ee Qatar iyo Xulka ay ka qaadeen Asian Cup, waxa ay ku casuuman yihiin Copa Amera 2019-ka, iyaga oo Wajahaya Xulalka Argentina, Colombia iyo Paraguay oo ay isku God (Group) ku jiraan.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/l/t1.15752-9/