Kulankii golaha wasiirada ee Tunusiya ku meelmariyey qaanuunka simidda Dhaxalka ragga & Dumarka Tunisiya

Golaha wasiirada ee Tunisiya ayaa shalay oo jimce ahayd u codeeyey islamrkaana meelmariyey mashruuca qaanuun kusaabsan arrimaha shaqsiga ah ama qofka la xiriira, waxa kulanka guddoomiyey madaxweynaha Tunusiya Maxamed Albaaji Qaaid Alsebsi.

Mashruuca qaanuun ee xukuumadda Tunusiya ay meelmarisay waxaa kujira qodobo si cad u sheegaya in Ragga iyo Dumarku ay u siman yihiin Dhaxalka, wakaaladda wararka ee Tunusiya ee African News ayaa kuwarrantay in golaha wasiirada ee xukuumadda Tunisiya uu meelmariyey mashruuc qaanuun oo asaasi ah kaas oo  dhameystiraya majaladda Arrimaha shaqsiga Tunisya, waxa ay sheegtay wakaaladdu in xukuumadda Tunisiya ay qaanuunkan horgeyn doonto bilaha soosocda Baarlamaanka Tunusiya si  uu ugu codeeyo kaddibna uu u dhaqangal u noqdo qaanuunka simaya dhaxalka  raga iyo dumarka Tunisiya.

Hindisihii Mashruucan waxa shaaca kaqaaday madaxweyne Maxamed Albaaji bishii Augusto-2017,  waxa uuna dhaliyey muran iyo dood aad u badan oo ka aloosmay gudaha iyo dibadda Tunisiya, taas oo keentay in la hakiyo Qaanuunkan inta ay xasaraddu kacsan tahay, aqoon yahanka diiddan  Qaanuunkan  ee Tunusiya ayaa ku dooday in xeereynta u sinnaanta dhaxalka ee raga iyo dumarku ay halis u keeni karto deganaanshaha Tunusiya.

Saciida Quraash oo u hadashay madaxtooyada Tunisiya ayaa sheegtay in dadaalka horumarinta hindisaha mashruuca qaanuunkan uu yahay  hardan kadhashay howl adag oo ay galeen kaas oo difaacaya xuquuqda dhaqaale iyo tan bulsho ee dumarka Tunusiya, waxa kale oo ay sheegtay Saciida Quraash in Qaanuunkani salka ku hayo garasho iyo Caqli fog oo ujeedkiisu yahay in si dhammeystiran ay labada jinsi ee Ragga iyo Dumarku u sinnaadaan.

اشراف رئيس الجمهورية على اجتماع مجلس الوزراء‎

أشرف رئيس الجمهورية الباجي قايد السبسي، يوم الجمعة 23 نوفمبر 2018 بقصر قرطاج على اجتماع مجلس الوزراء للنظر في مشروعي قانونين أساسيين يتعلق الأول بإتمام الكتاب التاسع من مجلة الأحوال الشخصية بباب سابع مكرر تحت عنوان " أحكام تتعلق بالتساوي في الميراث " من خلال مبادرة تشريعية رئاسية والثاني يتعلق بتنظيم حالة الطوارئ.وصادق مجلس الوزراء على مشروع القانون الأساسي المتعلق بإتمام مجلة الأحوال الشخصية وقرر بخصوص مشروع قانون تنظيم حالة الطوارئ مزيد النظر في بعض الأحكام الخاصة بالضمانات وبالمراقبة القضائية ثم عرضه من جديد في أقرب وقت على مجلس الوزراء.© Présidence Tunisie رئاسة الجمهورية التونسية

Posted by ‎Présidence Tunisie رئاسة الجمهورية التونسية‎ on Friday, 23 November 2018

Guddiga xorriyadda shaqsiga ah iyo sinnaanta oo uu sameeyey madaxweynaha Tunisya sanadkii 2017 ayaa dood iyo muran badan kala kulmay xeereynta ama xeer kadhigidda u sinnaanta dhaxalka raga iyo Dumarka Tunisiya.

Dastuurka Tunusiya xeerka dhaxalka iyo arrimaha shaqsiga waxa uu muddo dheer ka dheeganayey ama uu ka qaadanayey  Shareecada Islaamka  marka uu dhaxalka kahadlayana waxa u ahayd qaaciddo lama taabtaan ah qaaciddada ah  in wiilku qaadanayo qaybta laba gabdhood ay kahelaan dhaxalka ama   “للذكر مثل حظ الأنثيين”.

Balse taas beddelkeeda golaha wasiirada ee Tunusiya waxa ay doonayaan in dhaxalka ay u sinnaadaan Ragga iyo Dumarka Tunusiya.

Madaxweyne Maxamed Albaaji Qaaid Alsebsi

Madaxweyne Maxamed Albaaji ayaa yiri: “Mashruuca koowaad ee qaanuunku waa Halabuur iyo Dadaal kayimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda waana u simidda dhaxalka labka iyo dheddigga, Maxaa yeelay qodob dastuuri ah ayaa qaba, maxaa yeelay Tunisiya waa dowlad ilbax ah oo ku dhisan saddex waxyaabood kan koowaad waa Muwaadinimada, kan labaadna waa doonista ama rabitaanka shacabka ama aha doonis kale  kan saddexaadna waa sareynta qaanuunka, qaanuunka sarena waa dastuurka, sidaas awgeed innaga oo dhaqangelineyna dastuurka ayaan la nimid hal abuurkan, markaas fasalka 21aad ee dastuurka ayaa nagu waajibinaya axkaamta na fareysa ee soosocota oo ah in raga iyo dumarku ay siman yihiin”

abdikariin Harawani guddoomiyaha golaha talada ee xisbiga Nahda-Tunisiya

Cabdikariin Harawani guddoomiyaha golaha talada ee xisbiga Nahda ayaa diiday soo jeedinta hindisaha mashqruuca qaanuunka dhaxalka u simaya raga iyo dumarka Tunisiya, waxa uu sheegay in Qaanuun walba oo kahor imanaya Dastuurka iyo Nusuusta go’an ama Qadciyada loo yaqaan ee Qur’aanka uu xisbigiisu  diidan ayna uga hor iman doonaan Baarlamaanka.

Harawaan waxa uu sheegay in Tunusiya tahay dowlad Ilbax ah oo uu leeyahay shacab Muslim ah!

Maqal

      TUNISIYA OO RAGGA IYO DUMARKA DHAXALKA U SIMEYSA

Xigasho: Tunis Afrique Presse (Wakaaladda Wararka ee Tunis)