Gelinkii dambe ee maanta waxaa Magaalada Garoowe gaaray Xubno isugu jiray Xildhibaanno iyo Wasiiro katirsan Dowladda Federaalka Federaalka oo deegaan Doorashadoodu tahay Puntalnd.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray isku dayo ay sameynayeen in ay ku galaan Magaalada Garoowe balse waxaa kahor istaagay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdwali Maxmaed Cali Gaas.

Kolkii lagu dhawaaqay Natiijada Madaxweynaha, ayay Xubnahaan ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho si ay u tagaan Magaalada Garoowe, maadaama Xayiraadii socdaalka ka saarneed uu isbadal ka dambeeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hormuud u ahaa wafdigan ayaa kolkii tageen Magaalada Garoowe waxa ay kula kulmeen Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Cusub ee Puntland.

Sidoo kale waxaa kamid ah Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheuraadka badda, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo xubno kale.

Image may contain: 6 people, people sitting, suit and indoor

Image may contain: 3 people, people smiling, suit

Image may contain: 1 person, smiling, suit and indoor

Image may contain: 4 people, people smiling, suit

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting and suit