Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa  loo Caleemo saaro Xilka Madaxweynaha 14 January 2019.

howl wadeeno ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa noo sheegey in la qorsheynayo in madaxweynaha Maamulkaasi iyo ku Xigeenkiisa la caleema saaraayo 14 bishaan ee January.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siccid Deni

Dhanka kale  Madaxweyne Deni iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa Maanta Kulan laqatay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Puntland.

Kulanka waxaa Madaxweynaha,Ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Maaliyada waxaa ku wehlinaayey Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada, waxaana diirada lagu saaray Arimaha Maaliyada Puntland gaarahaan  ilaalinta Qarashaadka Maamulka,ee xiliga kala guurka ah ee ay isbadalayaan Madaxda Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo lakulmay Wasiirka Maaliyada Puntland.

Kulanku in tuu socday ayaa Wasiirka Maaliyada Maamulkaasi lagu waydiiyay Su’aalo la xariira dhaqan Galinta amarkii Madaxweynaha Cusub ku Xanibay in lagac laga bixiyo Bankiyada Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Ku xigeenkiisa Karaash oo dhawaan loo doortay xilkaasi ayaa Lagu wadaa dhawaan in Xilkaasi loo Caleemo Saaro.