Xildhibaanno ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa mooshin ka dhan ah heshiiska uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo la galay dalalka deriska ah u gudbiyay Guddonka Golaha.

Xildhibaannadan oo tiradoodu gaareysay 10 Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in ay ka walaacsanyihiin Shirka saddex Geesoodka ah ee ka dhacaya Muqdisho,kaas oo ay ka qeybgelayaan Dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Waxaa ay sheegeen in Dowladda Jabuuti oo walaal la ah Soomaaliya ay isku dhacsanyihiin Eritrea arrinta u dhaxeysana aan waxba laga qaban.

https://pbs.twimg.com/media/