Mas'uuliyiinta amniga.

Kulanka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Xaruntooda,waxaana kulankan banaan joog ka ah Warbaahinta.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale lagu amray in ay damiyaan Taleefannada isuna diiwaangeliyaan weydiimaha Mas’uuliyiinta amniga.

Ku simaha Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta maanta joogta golaha shacabka,waxaana la weydiiyay su’aalo gaaraya shan.

Waxyaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ahaa xariggii Mukhtaar Roobow, oo uu sheegay in aysan hay’addiisa soo qaban shaqana ku lahayn.

Waxyaabaha kale ee wax laga weydiiyay waxaa ka mid ahaa mushaar la’aanta Ciidanka NISA iyo waddooyinka xiran,waxaana uu xusay in labadaba aysan shaqadiisa ahayn.

Midda hore ee Mushaarka uu sheegay in la weydiiyo Hantidhowrka iyo Wasaaradda Maaliyadda,halka midda Amniga uu sheegay in tahay go’aan ay gaareen hay’adaha amniga.

Waxaa sidoo kale su’aalo la weydiiyay Taliyayaasha Miltariga iyo Booliska oo iyana ka jawaabay weydiimahii la hordhigay.

Waxaa ay Xildhibaannada hadda ku maqanyihiin qado,waxaana isdiiwaangeliyay Xildhibaanno badan iyada oo kulanka lagu wado in lagu daro saacado dheeraad ah oo uu gaaro ilaa gelinka dambe.

Xildhibaannada ayaa isugu soo laabanaya su’aalo weydiinta Wasiirrada amniga gudaha iyo Gaashaandhigga oo aan wali waxba la weydiin.

Su’aalaha Xildhibaanada ayaa ah kuwa loo qorayo shan shan Xildhibaan, mid kastana uu heysto daqiiqado kooban.