Xildhibaannada Ragga ah ee ku jira Baarlamaanka Dalka Tanzania ayaa wajahaya Gudniin si looga hortago faafidda Cudurka HIV-ga.

Aragtidan waxaa soo jeedisay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Tanzania oo lagu magacaabo Jackline Ngonyani.

Soo jeedinteeda waxaa ay Baarlamaanka dalkaasi ka dhex dhalisay buuq farabadan,waxaana ku kal qeybsamay Xildhibaannada Ragga ah laftooda.

Cudurka HIV-ga waxaa uu ka midyahay cudurrada qatarta ugu badan ku haya dalka Tanzania, waxaana uu hayaa 5% dadka dalkaas.

Xildhibaan  Joseph Selasini oo ka mid ah Ragga ku jira Baarlamaanka Tanzania ayaa taageeray soo jeedinta Xildhibaannada laakiin waxaa diiday Xildhibaan Joseph Kasheku oo ku tilmaamay soo jeedintan mid Ragga xadgudub ku ah.

70% Ragga Tanzania ayaa mara Gudniinka,waxaana wali taagan walaaca laga qabo faafidda Cudurka HIV-ga.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in Gudniin la’aanta ay qeyb ka tahay faafidda Cudurka HIV-ga,waxaana lagu qiyaasay in 60% Ragga aan gudneyn ay faafiyaan cudurka.