Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in dagaal shalay ka dhacay Wanlaweyn lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab.

Koox katirsan Macawuusleyda oo deegaan ah iyo Al-Shabaab ayuu tilmaamay in dagaal ku dhexmaray Degmada Wanlaweyn.

Xubnaha Al-Shabaab katirsan ee dagaalka lagu dilay waxa uu sheegay in uu ku jiro Nin Shabaab u qaabilsan inta u dhaxeyso Goobaale, Buur hakaba, Wanlaweyn iyo Qoryooley.

Meydadka saddexda sarkaal oo uu sheegay in Al-Shabaab dagaalka looga dilay in lagu wareejiyay Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle.

Nin uu Magaciisa uu kusoo koobay Gargaguud oo hogaamiye u ahaa Ciidamadaan ayuu tibaaxay in uu ku jiro meydadka Macawuusleyda ay geeyeen Balidoogle.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa u sheegay Mustaqbal in xubno katirsan Kooxda Macawuusley oo la xiriiray in ay u sheegeen in dagaalyahano ka dhaawacmay Al-Shabaab ay goobta ka qaadeen.

Waa uu sii hadlay Xildhibaan Jeesow waxa uuna sheegay in Al-Shabaab ay damacsanayeen in ay jidka u galaan Gawaari shacab ay leeyihiin, isla markaana ay dab qabadsiiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Hubka ay ku dagaalamayaan Kooxda Macawuusleyda ee Deegaanka ah waxa uu sheegay in ay kusoo iibsadeen Xoolahooda oo ay iska sii gadeen, si ay u helaan hub iyo rasaas.

Madaxda Dowladda Federaalka waxa uu u jeediyay in la taageero Kooxda Macawuusley oo uu ku tilmaamay habka ugu fudud ee lagula dagaalami karo Al-Shabaab, maadaama ay aqoon u leeyihiin dagaanada ay ku sugan yihiin.

Golaha Shacabka oo uu katirsan Xildhibaanka waxa uu sheegay in marka uu furmo kalfadhigooda uu horgeyn doono sidii taageero loogu heli lahaa dadka deegaanka ah ee dagaalka kula jiro Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii dambe waxaa soo kordhayay dagaalada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda la magac baxday Macawuusley oo ka dhacayay Deegaanno katirsan Hir-Shabeelle, gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaan wali kama hadlin dagaalkaan la sheegay in uu ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.