Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay in nin Ajinabi ah loo magacaabo Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ooWareysi siiyey Mustaqbal Radio ayaa sheegey in ay wararka sheegaya in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo Magacaabayo Nin Ajinabi ah ay ku arkeen Baraha Bulshada hadii uu jirana uu yahey Sharci daro.

Waxa uu sheegey in ay ka doodi doonaan Xildhibaanada Faderaalka Soomaaliya hadii la isku raacana uu sharci noqonayo,balse uu rajeynayo in Xildhibaanadu ka soo horjeesa doonaan Go’aankaan Godoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo Nin Ajinabi ah.

Sharcigaan Gudoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo nin Ajinabi waxaa horey u ansixiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaana lagu wadaa in Maalinta Isniintaa ee socota in horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya.