Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maqaal ka qoray isbeddelka ka socda geeska Afrika iyo fursadda uga banaan Soomaaliya,waxaana uu maqaalkiisa ku billaabay.

Cafiskii ugu dambeeyay ee uu dhawaan sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka dhashay in ay soo goostaan xubno madan oo ka mid ahaa madaxda Argagixisada,dowladdana ka caawiyaan dib u dhiska Dalka.

Maalmo yar ka hor Eritrea iyo Jabuuti ayaa isku raacay in ay xiriirkooda soo celiyaan,taas oo bog cusub u fureysa xiriirkoodii hore ee xumaa.

Waxaa xigay arrin kale oo muhiim ahayd oo ah shirkii Asmara ee ay isugu tageen hggaamiyayaasha Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea,si loo helo dadaal nabadeed oo laga helo gobolka.

Kulankan waxaa uu muujiyay in Soomaaliya ay nabadda iyo xasilloonida Gobolka ka qaadato doormuuqda gaar ahaanna qeybta diblomaasiyadda,hoggaamiyayaasha ayaa isku afgartay in laga gudbo khilaafkii kala xiray Waddamada Gobolka.

Sidii Madaxweyne Farmaajo iyo Aniga aan ula wareegnay Xafiiska dowladda waxaa ay sameysay horumar badan oo gudaha iyo dibadda ah

Dowladdeenna iyaga oo mareysa Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, waxaa ay si xawli ah ugu lug leedahay wadahadalka lagu xallinayo muranka sohdinta ee Jabuuti iyo Eritrea.

Wadahadallada Asmara waxaa ay ahaayeen kuwo hanasho badan laga gaaray kana dhashay wadahadallo kala duwan oo dhexmaray hoggaamiyayaasha saddexda dal.

Heshiiska Nabadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyo dhiggiisa Eritrea Cismaan Salah ayaa bogaadiyay dadaalka Soomaaliya.

Tobanaan sano labada waddan waxaa ay ku muransanaayeen Gobolka Doumeira,dhowr isku day oo lagu xallin lahaa ayaa fashilmay,2010kii,Dowladda Qadar ayaa isku dayday in ay heshiis nabadeed dhex dhigto.

Horumarrada ugu dambeeyayna Soomaaliya waxaa ka mid ahaa doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Labo bilood ka hor Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabudllahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa isla meel dhigay siyaasad deggan,waxaana ay ku heshiiyeen in labada dal ay qaadaan tallaabooyin mid ah oo dhinaca horumarka Gobolka ah.

Wadahadallada Asmara waxaa ay ahaayeen waa cusub oo u baryay diblomaasiyadda,Soomaaliya waxaa ay dooneysaa in ay dib ugu soo noqoto kaalintii ay ku lahayd bulshada barwaaqada,waxaana diyaar u nahay in aan doorkeenna ka qaadanno nabadda iyo amaanka caalamka.

Amaanka.

Sanadka soo socda Soomaaliya,waxaa ay la wareegeysaa guddoomiyenimada Jaamacadda Carabta ,taas oo noo oggolaaneysa in aan sanadka soo socda marti gelinno shirka Jaamacadda carabta.

Dowladdeenna waxaa ay daneynasaa in ay kaalinteeda ka qaadato isbeddelka Gobolka Geeska Afrika,si ay u horumariso amnigeeda,xalna loogu helo mushkiladaha kale ee ka jira Afrika.

Waxaan muujinnay halka uu u jiheysan tahay Diblomaasiyaddeenna annaga oo ah dal nabad ah,gobol xasilloonna ku yaalla.

Howshiinna guusha dibadda,waxaa ka muuqda horumar iyo hanasho gaar ahaan,amaanka,argagixisadii dalkeenna ka dhigtay meel ay ku gambadaan,waxaa ay hadda dib ugu laabanayaan halkii ay ka imaadeen.

Soomaaliya waxaa ay abaal u heysaa dalalka deriska oo ay ka mid tahay Kenya,doorkeeda la xiriira dagaalka argagixisada.

Argagixisada.

Dowladdeenna waxaa ay ku dhawaaqday cafis ,kaas oo ay ka dhalatay in ay isa soo dhiibaan hoggaamiyayaal ka tirsanaa argagixisada, kuwaas oo nagu soo biiray,dib u dhiska dalkana ka qeybaaqdanaya,qurbe joogta ayaa sidoo kale maalgashi xoog leh ku sameeyay dalka.

Waxaan heysannaa dowladda shaqeyneysa,waxaan bixinnaa mushaarka Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeenna,kuwaas oo u shaqeynaya si adag.

Waxaan soo celinnay xiriirka fiican ee aan la lahayn bulshada Caalamka,Hay’adda lacagta adduunka waxaa ay amaantay dib u habeynta aan ku sameynnay dhaqaalaha iyo dakhliga.

Afartii bilood ee ugu horreysay 2018kii waxaana soo xareynay lacag dhan  $42.5 Milyan oo canshuurta gudaha ah, waxana ay ahayd markii ugu sarreysay oo muddo intaa la eg ay lacagtaas ku soo xarooto,waxaan ku soconnaa waddada deyn cafinta.

Dowladdeenna waxaa ay heysaa dagaal ka dhan ah musuqa,waxaana astaan u ah isla xisaabtan,Soomaaliya,waxaa ay ku socotaa ka faa’ideysiga kheyraadkeeda iyada oo dadkeeda ugu daneyneysa.

W/Q:Xasan Cali Kheyre, Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Waxaa Turjumay: Adam Ibrahim Farah.

Mustaqbal Radio.