Dadka Xaafad ku taala dalka Turkiga oo go,aan ku gaaray in aan sigaar xaafadooda dhexdeeda lagu cabin dadka dagana eyna caabin kuwa cabana ey joojiyaan.

Marka laga tago in sigaar cabistu xaaraam tahay
Waxaa jira tiro badan oo dad muslimiin ah oo caba sigaarka iyo meelo badan oo muslimiin ku noolyihiin oo sigaarka si daran looga cabo lkn sheekada
Haydarbeylia oo ah xaafad ku taala AnatoliaTurkiga wey ka duwan tahay.

Daily Sabah ayaa qortay 3 dii bishan December in ey go’aan ku gaareen dadka xaafadan ku dhaqan in ey joojiyaan sigaar cabista kana mamnuucaan dadka yimaada in ey sigaar ku cabaan gudaha xaafadooda

Mid kamida dadka xaafada oo lagu magacaabo Muhsin Varol ayaa u sheegay Daily Sabah in uu cabi jirey sigaarka13 sano inta uusan go’aan ku gaarin in uu joojiyo madaama ey ka sameeyen xaafadooda koox ka shaqeysa ilaalinta caafimadka

Madaxa xaafada Rifat Eraslan ayaa sheegey in dadka xaafada ey go’aan ku gaareen iney joojiyaan waxyaabaha noloshooda u daran,

Rifat Sidoo kale wuxuu sheegey in Madax weynaha Turkiga uu isna ku taageerey xaafadan go’aan ka ey gaartay ” madaxweynaheena wuxuu nagu taageerey ololhaa aaan ka bilownay xaafadeena ee aan kaga soo horjeedney cabista sigaarka ”

Dadka xaafada ayaa sidoo kale sheegey in qofkii soo booqada xaafada uusan cabin ama keenin wax sigaar ah.

Gudoomiyaha gobolka Yeşilay oo ah mesha xaafadani ku taalo Halil İbrahim Coşkun ayaa mar uu booqday xaafadan sheegey iney tusaalo wanaagsan u tahay dagmooyinka iyo dadka turkida ah

Sida ku cad warbixinta Daily Sabah waxaa lagu qiyaasayaa 3.3 billion
Dadka caba sigaarka caalamka oo dhan waxaana u dhinta 5 malyan oo kamida sanad waliba

Cudurada uu keeno sigaarku respiratory tract diseases, chronic pharyngitis, laryngitis, recurrent infections, isku buuqa dumarka ku dhaca ee vocal cord, windpipe cancers, recurrent bronchitis, pneumonia, emphysema, lung iyo nuucyo kale oo cancerada kala duwan ah .

Sida uu qoray 2006 the British Medical Journal waa uu sareeya heerka sigaar cabista ee dalalka muslimiinta

Nimanka ugu sigaar cabista badan dalalka muslimiinta waa Yemen (77%) iyo Indonesia (69%).

Sidoo kale heerka sigaar cabista ee dumarka yaman waa uu sareeyaa
Heer lagu qiyaasayo sadax meelood meel iney cabaan sigaarka

Wadamada kale ee muslimiinta ee darasada ku jira waxaa kamida Tunisia 62% ragoodu waa cabaan sigaarka, sidoo kale Guinea (59% ), Turkiga (51%).

Waxaan ka cudur daaranaya in aanan cudurada magacyadooda af Soomaali ku sheegin erey bidinta caafimaad ee Af Soomaligeyga darteed.

w/q: LionHashi Farah