Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug uga qeyb galay shirka jaheynta Siyaasada iyo Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Golaha wasiirada Galmudug.

Image may contain: 2 people, people sitting
Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheikh Shaakir.

Kulanka ayaa intiisa badan looga halday qobobo ay ka mid yihiin,dhaqaalaha ,Jiheynta Siyaasada iyo dardargalinta howlaha horyaala xukumada Galmudug.

Image may contain: one or more people, people sitting, drink and indoor
Masuuliyiintii shirka ka qeyb gashay .

Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxa Xukuumada Galmudug isaga oona sheegay in Galmudug ay hal dastuur leedahay ayna ku hishiiyeen dastuurkaasna ayku shaqeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Image may contain: 1 person, smiling, sitting
Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Shaakir.

Dhawaan ayay aheed markii Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo Dhuusamareeb dib ugu laabtay uu sheegay in Galmudug isku tashatay isla markaana ciidii ku faragalisa ay iska difaaci doonaan.

Image may contain: 3 people, indoor
Wasiirada Galmudug ee shirka fadhiyay.