Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta ku laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xaaf oo la hadlayay dadkii soo dhaweeyay ayaa sheegay in shirkii Garowe ay kula yeesheen Dowladda Federaalka ah uu ahaa mid kheyr qaba islamarkaana ay isfaham ku gaareen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa yiri ” annagu kolley qolyaha yagii dirirtu kala dhaxeysay dowladda xabad joojin ayaan gaarnay, waxa kalena hoos baa looga hadli doonaa”.

Xaaf,waxaa uu sheegay in dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah ay hadda gaareen isfaham, lana sii wadayo wadahadallada la xiriira sidii labada dhinaca isugu soo dhawaan lahaayeen.

Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa 26kii Bishan Garowe u tagay ka qeybgalka Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Caleema saarka kaddib ayaa waxaa Magaalada Garowe kulan ku yeeshay madaxda ka soctay dowladda dhexe oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada.