Kooxda Wolverhampton Wanderers ayaa lagu soo waramayaa inay indhaha ku hayaan daafaca bidix ee Paris Saint-Germain Layvin Kurzawa.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, oo 25 sanno jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Premier League ka dib seddex xilli ciyaareed oo uu la joogay kooxda Ligue 1.

Dhanka kale Wolves, ayaa mashquul ku ah inay sii xoojiyaan kaalintooda ka hor inta aysan bilaabin ololaha cusub ee horyaalka ka dib markii ay ku guuleysteen koobkii xilli ciyaareedkii hore.

Adama Traore ayaa ku biiray kooxda Molineux oo ka yimid Middlesbrough Arbacadii, sida laga soo xigtay The Sun, Wolves ayaa haatan dooneysa inay 22 milyan oo ginni ku dalbato Kurzawa.

Daafaca dambeedka midig ayaa 11 kulan u saftay xulka France lakiin kuma lug laheyn xulka Les Bleus oo ku guuleystay koobka adduunka 2018.