Wiilkaan yar ee geesiga iskuuleyda ah ayaa feeraha dhaawac ka soo gaarey u dhintay 9 bil ka dib wuxuuna dhaawacu ka soo gaaray  isaga oo la dagaalamaya nin xoogayey hooyada wiilka yar.

Wiilka yar ayaa ka hor istaagayey ninkii wax kufsanayey in uu kufsado hooyadii ka dibna ninkii kufsadaha ahaa  ayaa isku dayey in uu dilo labadaba wiilka yar iyo hooyadii.

Kufsadaha ayaa wiilka yar hooyadii ku weeraray midi si uu ugu qasbo in uu kufsado dadka dariska ah oo maqlayey qeylada iyo Sawaxanka ayaa ugu yeeray booliska ,booliska oo meesha soo gaaray ayaa qaaday wiilka iyo hooyadiis oo miir daboolmay,kufsadaha ayaa dhaawac xun gaarsiiyey wiilka.

Wiilka yar aana galey xaalada Kooma ah (Como) oo qaadatay 9 bil waa uuna u geeriyooday dhaawicii uu gaarsiiyey ninkii hooyadiis kufsanayey,halka hooyadiina ay ka bogsatay dhaawacyadii uu gaarsiiyey ninkii kufsadaha ahaa,kuna badbaaday geesinimadii wiikeedii yaraa .

Vanya Krapivin oo ah waa wiilka yar oo dhaawacu soo gaaray rajadiisa soo kabashada dhaawiciisu waa ay soo hagaageysay dhaqaatiirtuna waxay isku dayayen in ay badbaadiyaan balse 9 bil ka dib arintaasi waa ay suurta galiweysay oo waa uu geeriyooday.

Ugu dambayn ninkii kufsadaha ahaa ee isku qaatay labada dambi oo kala ah kufsiga iyo dilka wiilka ayaa lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah.

Isha :Dailymail