Dalka Koofur Afrika waxaa xalay mar kale lagu dilay Wiil Soomaali ahaa oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee Dalkaasi.

Mukhtaar Cumar ayaa lagu dilay Magaalada king willaims ee hoostagta Eastren Cape lagu magacaabo ee dalka Koofur Afrika waxaana dilkiisa geystay burcad hubeysan.

Habeen hore ayaa sidaas oo kale lagu dilay Koofur Afrika Muwaaddin kale oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere.

Nuur Dheere

Kooxaha Burcadda ah ee Koofur Afrika ayaa sanadkan kaliya dad ka badan 20 Soomaali ah ku dilay gudaha Dalka Koofur Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaan sidoo kale xoogga saarin wax ka qabashada arrintan iyada oo Jaaliyadda Soomaalida ee Koofur Afrika ay Safaaradda ku eedeeyeen in aysan la shaqeynin Soomaalida dalkaas.