Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dilay  C/Qaadir Maxamed Xuseen (Dhaashoow), kaas oo ka mid ahaa dhallinyarada Degmada Kaaraan.

Koox hubeysan ayaa Waxaa ay Dhaashow ku dileen Maqaayad ku taalla agagaarka shaleebo Liibaan ee Degmada Kaaraan.

Lama yaqaan sababta dilkiisa hayeeshee dadka degaanka ayaa sheegaya  in C/Qaadir oo aad looga yaqaannay degmada uusan ku lug lahayn dhinacyada isku haya dalka.

Ciidamada amaanka ayaa markii kooxda dilka geysatay kaddib halkaas tagay waxaana ay meydka Marxuum C/Qaaadir Maxamed ka qaadeen halkii lagu dilay.

Dableyda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday halkii ay wax ku dileen Maamulka Degmadaasina kama hadlin ilaa hadda dilka loo geystay Dhaashow.