Wararka ka imanaya degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamo iskaashanaya ay xalay weerar cirka iyo dhulka ah ka fuliyeen degaanka Bariirre.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in duqeyn laga fuliyay Bariirre sidoo kalena Ciidan dhulka ah ay weerareen.

Howlgalkaas ayuu Mr Barre ku sheegay in lagu beegsaday AL-shabaab iyaga oo ku diyaarinayay walxaha qarxa lana doonayay in dadka lagu dhibaateeyo.

Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa sidoo kalena qaarkood la qarxiyay halka kuwo kalena la soo qabtay.

Weerarka inta uu socday ayuu sheegay in AL-shabaab ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay,sand ciidanna ay ka soo qaadeen degaanka ay weerareen xalay