Golaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa ay maanta meel mariyeen Golaha Wasiirrada maamulkaasi.

123 ka mid ah 124 Xildhibaan oo fadhiday kulanka ayaa ansixiyay halka midka soo haray uu ka aamusay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Lafta Gareen ayaa waxaa uu Golaha Wasiirrada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan baahiyaha dadka Koofur Galbeed.

Isaga oo ka hadlayay munaasibadda lagu ansixinayay ayaa waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyneyso la dagaallanka Musuqa iyo nabadeynta degaannada Maamulkaas.

Golaha Wasiirrada ayaa ka kooban 48 xubnood oo 25 ka mid ah ay wasiirro yihiin halka 23da kale ay wasiir ku xigeenno .yihiin.