Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dubai ee Imaaraatka Carabta.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay Geerida Wasiir Xoosh, iyaga oo tacsi u diray ehelkii uu ka baxay.

Cabdiraxman Xoosh ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii is xigxigay ee Dalka soo maray, waxa uu katirsanaa Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo uu ka ahaa Wasiirka Dastuurka.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta katirsan Dowladda ee inoo Xaqiijiyay Geerida Wasiirka ayaa Mustaqbal u sheegay in Xanuun uu kusoo booday Xalay, ugu dambeyn uu geeriyooday.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cabdiraxmaan Xoosh, waxaana la filayaa in la qabanqaabyo aas loo sameeyo.