Sarakiisha waaxda dambi baarista ee dalka ayaa maalinkii labaad su’aalo weydiinaya wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Kenya Mr. Henry Rotich oo ku sugan xarunta dhexe ee DCI-da.

Waxaa uu maalinkii labaad faahfaahino ka bixinayaa mashruuca biyo xireenada Arror iyo Kimwarer ee laga dhisayo ismaamulka Elgeyo Marakwet ee dalka Kenya kaasi oo muran siyaasadeed dhaliyay.

Mr.Rotich ayaa sharaxaya qaabka dowladda ay 21 bilyan ku siisay shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo mashruucaasi fulin doonto sida ay sheegeen hay’ada dambi baarista Kenya.

Qareenka u doodayay wasiirka oo lagu magacaabo Katwa Kigen ayaa saraakiisha u bandhigay inay dib u dhigtaan su’aalaha u dhimman ee ka midka ah 300 oo la diyaariyay si uu wasiirka maanta uga jawaabo.

Agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka Mr. George Kinoti ayaa sheegay inay bayaan soo saarayaan kaddib marka ay baaritaanada gabagabeyaan.

Mr. Kinoti ayaa warbaahinta gudaha Kenya u sheegay in baaritaanada ay si habsami leh u socdaan oo ayna eegayaan qodob kasta oo ay Kenyaanka daneynayaan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Rift Valley ayaa Kenya ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaaddo cid waliba oo lala xariiriyay fadeexadda la sheegay inay dowladu ku bixisay 21 bilyan oo shilin.

Hasa ahaate ku xigeenka madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay bixisay oo keliya 7 bilyan oo lacagtaas laga been abuurtay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka maaliyadda uu sheegay in Kenya ay bixisay 12 bilyan oo shilin Kenya ah in kastoo ay jireen warar sheegaya in fadeexaddan lagu lumiyay 63 bilyan oo shilin.