Wasiirka duulista hawada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in ay wadaan qorsho dib logu soo celinayo duulimaadyadii Soomaali Airlines.

Wasiirka Duulista hawada oo la hadlaayay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in aysa sahlanay in dib loo soo nooleeyo diyarad balse sanad 2019 in lagu xisaabtamayo howl galinta SoomaaliAirlines.

Wasiirka Omaar oo sii hadlaya ayaa sheegay in ay ahmiyad gaar ah siinayaan soo celinta kaalintii diyaarada ayna hada meel wanaagsan u marayso isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sanabkaan shaqo bilabi doonto.

Somali Airlines waxaa la aasaasay sanadkii 1964 waxa ay duulimaadyo ku samayn jirtay wadanka gudihiisa iyo dibadiisa waxa ayna xarunteed waayn ku taalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Guud ahaan diyaaradaha Soomaaliya waxa ay u kala duuli jireen wadamo badan oo ku yaala Afrika, Bariga dhexe, Aasiyada Fog iyo Yurub balse sanadii 1991 markii uu dalka qarxay dagaalkii sokeeye waxaa bur buray adeegyadii diyaaradaha ee Soomaaliya.

Wasaarada duulista hawada Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe sanadkaan 2019 dib loogu soo celinaya sida uu sheegay wasiirka Duulista hawada Maxamed CabdulaahiSalaad Omaar.