Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan casho sharaf ahaa u sameeyay Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Addis Ababa.

Waxa ay isku diyaarinayaan isreeb-reebka Ciyaaraha Olombikada oo lugta hore ay la ballansan yihiin Xulka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la kulmay dhalinyarada ayaa ku dhiira-geliyay sidii ay guulo ugu gaari lahaayeen dhiggooda Itoobiya oo ay la ballansan yihiin.

Ciyaartoyda da’dooda ka hooseysa 23-sano jirka ayaa maanta oo Arbaco ah la ciyaaraha Xulka Itoobiya oo lugta koowaad ka dhici doonto Magaalada Addis Ababa.

Lugta labaad ayaa lagu dheelayaa Dalka Jabuuti oo Xulka Qaranka Soomaalida ay ku dheelaan kulamada Martida loo yahay tan iyo bur-burkii dalka, maadaama aan jirin Xulal dalka yimid oo ku dheelay Kubad sababo amni awgii.

Isreeb-reebka Ciyaarta u dhaxeysa 23-jirada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah Ciyaaraha Olombikada ee lagu qabanayo Magaalada Tokyo ee Dalka Japan sanadka 2020-ka.

Isbadalo dhanka Ciyaaraha ah ayay Soomaaliya ku jirtay sanadii dambe, waxaana kordhay qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha sida kuwa Degmooyinka, kan Dowlad Goboleedyada, Horyaalka iyo tantano kale.

Waxaana indhaha lagu wada hayaa Ciyaarta maanta dhexmareysa Xulalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waloow ay dhiman tahay lugta Labaad oo Jabuuti ka dhici doonto.

Ciyaartoyda 23 jirada
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madaxda Ciyaaraha

 

Madaxdii Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Ciyaartoyda
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la hadlaya Ciyaartoyda