Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeelle C/Qaadir Aadan Jeelle, ayaa golaha Wasiirrada Maamulka Hirshabeelle la wadaagay qorshaha sugidda amniga degaannada Maamulkaasi.

Wasiir C/Qaadir Aadan Jeelle ayaa sidoo kale ka warbixiyay weerarradii ka dhacay Shabeellaha dhexe iyo Hiraan ee lala beegsaday Al-shabaab.

Daa’uud Xaaji Ciiro, Afhayeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa golaha wasiirrada ka hor aqriyyay natiijada howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ka fuliyeen degmada Gamboole ee Gobolka Shabeella dhexe.

Daa’uud ayaa sheegay in saldhig ay lahaayeen Al-shabaab,Maxkamad ugu taallay Magaalada iyo Hoggaamiyayaal ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgalkaasi.

Kulanka Golaha wasiirrada ayaa waxaa shir guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.