Wasiirada Arrimaha Dibadda Dalalka Masar iyo Jabuuti Sameh Shoukry iyo Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka wada hadlay  Ammaanka Badda Cas iyo xaaladda Wadamada Geeska Afrika.

Labadan mas’uul oo ku kulmay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, dhanka kalena ah Xarunta Midowga Afrika waxa ay isku soo hadal qaaden Xoojinta Xiriirka Labada Dal iyo Isbadalada Wadamada Geeska Afrika.

Wasiirada Arimaha Dibada Masar iyo Jabuuti.

War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay in Labada Wasiir ay isla falanqeeyeen Xaaladda Nabadgelyo ee Bariga Afrika, Xiriirka Jabuuti iyo Eretrea, horumarada ka jira Soomaaliya, Yemen iyo Arrimaha Amni ee Badda Cas.

Wasiiradaan ayaa sidoo kale Diiradda saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo Badda Cas, iyaga oo isla qaadaa-dhigay sidii loo hirgelin lahaa barnaamijyo horumarineed oo wadajir ah oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.