Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa Xisbiyada Mucaaradka Maamulkaas ku dhaliilay in ay faafinayaan been abuur ah.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ay marin-habaabinayaan dadka Shacabka, iyaga oo ka faaiideysanaya danahooda Siyaasadeed ee u gaarka ah.

Waxa uu Tusaale u soo qaatay Tartan Orod ah oo ay ka qaybgaleen Ajaanib oo shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland oo ay dhaliilsanaayeen.

Sida hadalka uu u dhigay Wasiir Kaahin waxa uu ku dhaliilay in ay Dadka Somaliland ka Niyad-jebinayeen qabsoomidda Tartankaas, balse ugu dambeyn la qabtay.

Kaahin oo ka hadlayay gaba-gabadii Orodkaas ayaa digniin u diray Madaxda Xisbiyada Mucaaradka, isaga oo sheegay in aan marin habaabin karin Dadka sida uu hadalka dhigay.

Inta badan Xisbiyada Wadani iyo UCID oo ah kuwa Mucaaradka ah ayaa dhaliila Hogaanka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye.

Si lamid ah Xisbiga Muxaafadka ayaa goobaha ay isku tagaan Bulshada ka gudbiyo hadalo ay ku durayaan Xisbiyada Wadani iyo UCID oo mucaaradsan.