4-tii wasiir ee ugu dambeysay ee soo martay wasaaradda warfaafinta  dowladda Soomaaliyeed waxa ay isugu jireen kuwo ay dhab ka ahayd oo rabay in ay wax kaqabtaan wasaaradda iyo kuwo doonayey in ay isaga jiraan nolosha siyaasada balse aan han iyo dan waxqabad kalahayn horumarinta iyo hagaajinta shaqada iyo deegaanka wasaaradda, sidaas awgeed wasaaradda warfaafintu waxa ay kamid tahay wasaaradaha kujira kufaakaca ee la xarbinaya sidii ay u dabooli lahaayeen baahida loo qabo howsha ay qaabilsan yihiin.

Wasiirada ugu dambeeyey ee wasaaradda warfaafinta

Wasiirada kala ah xildhibaan Mustaf  Dhuxulow, xildhibaan  Maariye, Eng Yariisow iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle, waa 4ta wasiir ee ugu dambeysay ee wasaaraddan soo martay, mid walba muddo ayuu jiheynayey siyaasadda iyo howlgalka wasaarada warfaafinta, waxa ayna kawada tageen saameyn maamul iyo deegaan oo kala duwan.

Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo markii 2aad wasaaraddan ka ah wasiir waxa uu kamid yahay wasiirada meeshii ay la gaartaba iskudeyaya in ay wax uun qabtaan inta uu hayo xilka wasaaradda.

Bishii May-2018 ayaa loo magacaabay markaii 2aad xilka wasaaradda warfaafinta, kulan ay kaqaybgaleen madaxda warbaahinta madaxa bannaan, Tifaftirayaal iyo shaqaalaha wasaaraddu waxa uu ku sheegay in uu isku deyayo in uu wax kaqabta dib u qaabeynta wasaaradda, xiriirka warbaahinta madaxa bannaan ee wasaaradda iyo hagaajinta xiriirka saxaafadda madaxa bannaan iyo laamaha xukuumadda.

Radio Muqdisho iyo Telefeshinka qaranku waxa ay muddo dheer qaadanayeen heshiisyada xayeysiisyada ganacsiga iyo kuwa waxsoosaarka loogu sameynayo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddanka, Danjire Geelle waxa uu kulankaas ka sheegay in qaadashada heshiisyadaasina dhammaanayso oo Raadiyaha iyo Teleshinku dowladda aysan qaadan doonin heshiisyadaas, taasina waxa ay warbaahinta madaxa bannaan ka joojin doontaa tartanka Warbaahinta dowladdu kula jirto iyada oo kushaqeynaysa hantida dowladda warbaahinta madaxa bannaan.

Horraantii August-2018 waxa la joojiyey adeegyadii xayeysiiska ee ka baxayey  Raadiyaha iyo Telefeshinka dowladda, waxaana lagayaabaa in dib u baahinta idaacadda VOA (rebroadcasting)  ee Radio Muqdisho istaagto oo gebi ahaanba la joojiyo, iyada oo VOA-du adeegsan doonto hir u gaar ah, tallaabooyinkaasi waxa ay qayb kayihiin qorshe muddo soo jiitamayey oo ay wasiirro hore wax ka billaabeen balse u muuqato in uu hirgelintooda dhammeystirayo Daahir Maxamuud Geelle.

3-da wasiir ee ka horeysay danjire Geelle inkasta oo midba meel soo gaarsiiyey wasaaradda haddana waxa ay u badnaayeen dhinaca maamulka iyo siyaasadda jiheynta nuxurka ka baxaya Raadiyaha iyo telefeshinka, taas oo ay uga danlahaayeen wararka dowladdu ay dad badan gaaraan, balse dhinaca horumarinta qalabka iyo shaqaalaha wax weyn kuma kordhin.

Wasiirro hore oo kahorreeyey wasiiran ayaan habayaraatee waxba ku kordhin wasaaradda, waxaana suuragal ah in xilliga ay maamulayeen oo ay xaaladda dalku aad u cakirnayd iyo xilal wasaarado kale oo ay hayeen in ay sabab u ahayd arrintaasi.

Isbeddelka nidaamka dalka iyo Wasaaradda Warfaafinta

Isbeddelka dastuurka iyo habka maamulka ayaa saameynaya wasaaradda iyo shaqadeeda xilligan oo laga guurayo nidaamkii dalka ku maamulayay hal xisbi iyo hal raadiye, hab maamulkaas ayaa ahaa kan ay kaadirkii hore ee wasaaraddu la qabsadeen ayna shaqaalaha cusub ee wasaaraddu ka dhaxleen.

Maanta oo dowladnimada Soomaaliyeed kudhisan tahay dastuur ay dadweynuhu leeyihiin awoodda,  xeerinaya xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka islamarkaana furaya hannaanka xisbiyada badan iyo warbaahin madaxbannaan oo mas’uul ah waxa lagayaabaa in ay adag tahay in wasaaradda warfaafintu la jaan qaaddo haddii aanay iska beddelin nidaamka Marxism-ka ama hanti-wadaagga oo goloyaasha hannuuninta iyo hoboladu ay raacsan yihiin wasaaradda.

Wasiiradii soo maray wasaarada qaarkood 2000-2018,

  1. Saciid Xasan Shire
  2. Maxamed Cabdulaahi Kaamil
  3. Axmed CabdiSalaan Aaden
  4. Saalim Caliyow Ibrow
  5. Cabdulqaadir Maxamed Axmed
  6. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
  7. Eng Cabdi Raxmaan Maxamed Cismaan Yariisow
  8. Farxaan Cali Maxamud
  9. Mustaf Dhuxulow
  10. Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn),
  11. Cabdulaahi Ciil-mooge
  12. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

WQ: Axmed Guutaale