Wasaarada Amniga Somaliya, ayaa xabsiga dhigtay Sarkaal katirsan Ciidanka Booliska Somaliyed, kaasoo Todobaadkan ka soo muuqday Muuqaal la dhex waday Baraha Bulshada.

Muuqaalka, ayaa ahaa Sarkaalkan oo lagu magacaabo Yuusuf Xundubeey oo gacan ka hadal ku sameynaya gabar la sheegay iney eheyd Xaaskiisii hore.

Gabadha, ayaa gacanteeda uga duubtay Muuqaalka, Isagoo ugu hanjabayay inuu dilayo, Sida laga dheehan karay Muuqaalka.

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Somaliya.

Yuusuf Xundubeey oo Muuqaalka isaga laftiisa laga arkayo, ayaa xirnaa dharka Ciidanka Booliska, waxaana si toos ama Live ah u soo gashay gabadha, iyadoo ay muuqatay inuu jiray waxyaabo ay ka tirsaneysay.