Kooxda Real Madrid ayaa iska iibin doonta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos marka la gaadho suuqa xagaaga si ay boos ugu banayso xiddigaha khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Christian Eriksen (AS).

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa wadahalo furitaan ah la bilowday kooxda Tottenham iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen (Tuttosport).

Kooxda Man United ayaa isaga hadhay xiisihii ay u qabtay xiddiga daafaca midig uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka iyaga oo bartilmaameedsan doona daafaca PSG ee Thomas Meunier (Sun). 

Daafaca Kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa isaga tagi doona Kooxda Ajax ee xagaaga isaga oo midkood ku biiri doona kooxaha Barcelona ama Bayern Munich (Suddeutsche Zeitung).

Kooxda Real Madrid ayaa aqoonsatay in ay ku adkaan doonto helitaanka saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane (El Confidencial). 

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa diyaariyay dalab 150 milyan oo euro ah oo uu ku doonayo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (El Confidencial).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa kooxda reer France sii joogo doona ilaa xagaaga 2020 sida laga soo xigtay Aabihiis (Calciomercato).

Ku Biirista Eden Hazard ee Real Madrid ayaa si weyn loo filayaa laakiin lacagta ay Chelsea doonayso ayaa si weyn saamayn ugu yeelan Mateo Kovacic (Marca).

Kooxda Inter Milan ayaa iibin doonta xiddigaha Ivan Perisic, Yann Karamoh & Joao Miranda si ay lacagtooda ugu xoojiso kooxda suuqa xagaaga (Calciomercato).

Inter Milan ayaa bartilmaameedsan doonta xiddigaha Matteo Darmian & Cedric si ay xagaaga ugu xaliso dhibaatooyinka daafaca Bidix (La Gazzetta dello Sport).