Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay bixiso lacag mushahar oo dhan 505 kun oo Gini todobaadkii hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo 29 jir ah (Star).

Real Madrid ayaa ku dhaw in ay soo afjarto baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea iyo xulka Belguim ee Eden Hazard oo 27 jir ah kadib markii ay diiday in ay la kulanto qiimaha 200 ee Milyan ee ay Chelsea doonayso (Express).

Kooxda Man United ayaa qorshaynaysa in ay dalab Rasmi ah oo dhan 35 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Yerry Mina todobaadka soo socda (Sun).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa isku diyaarinaysa in ay iibiso da,yarkeeda Christian Pulisic Inta lagu jiro xagaagan iyada oo ku iibinaysa 65 milyan xilli ay chelsea iyo Liverpool ka mid yihiin kooxaha xiisaynaya adeegiisa (Mail).

Xiddiga diirada u saaran kooxda Arsenal Steven Nzonzi khadka dhexena uga ciyaara kooxda Sevilla iyo Xulka France ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Roma (Star).

Kooxda Arsenal ayaa la rumaysan yahay in ay kooxda reer Turkey ee Besiktas kala heshiisay saxiixa Goolhayaha reer Colombia ee David Ospina (Football.London).

Kooxda Juventus ayaa wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ku war galisay in ay doonayaan in ay dib ula saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Mirror).

Juventus ayaa iibin doonta xiddigaha Miralem Pjanic, Daniele Rugani & Mattia Caldara si ay u hesho lacag ay dib ugula soo saxiixdaan xiddiga Paul Pogba (Mirror).

Gonzalo Higuain ayaa ku soo wajahan horyaalka premier League kadib markii ay kooxda reer London miiska u saartay xiddiga mushahar dhan 120 kun oo Gini todobaadkii (Mirror).

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Danny Drinkwater kadib markii ay wax yar sanad la soo saxiixdeed (Mirror).

Kooxda Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 30 milyan ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga (Mirror).

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo la qaadatay kooxda Inter Milan iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Matias Vecino kadib kulankii xalay ay chelsea rikoodhayaasha ku badisay (Calciomercato).

Xiddiga khadka dhexe ee Marko Pjaca ayaa laga yaabaa in lagu daro heshiiska uu Daafaca Leonardo Bonucci ugu soo biirayo kooxda Juventus xagaagan (Gazzetta dello Sport).