Xiddiga daafaca Uga ciyaara kooxda Leicester city ee Harry Maguire ayaa wali ku rajo weyn in uu ku biiro kooxda Man United kuwaas oo wakhti horeba laga diiday laba dalab oo ay ku doonayso 25 jirkan reer England (Sky Sport).

Laakiin Leicester city ayaa diidan in ay iibiso xiddiga reer England inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan (Daily Mail).

Dhanka kale tababaraha kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa ka wal-walsan in uu ku fashilmo in uu daafac la soo saxiixdo ka hor inta uuna suuqu xirmin maanta (Times).

Kooxda Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay dalab wakhti dambe ah ka gudbiso daafaca reer Croatia iyo kooxda Besiktas ee Domagoj Vida  kadib markii loo sheegay in ay bixiyaan 29 milyan oo euro (London Evening Standard).

 Kooxda Arsenal Ayaa laga uaabaa in ay 10 milyan oo amaah ah ku dalbato xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ka hor inta uuna suuqu xirmin iyada oo 90 Milyan ka bixin doonta marka ay xagaaga dambe si toos ah ula wareegi doonto (Mundo Deportivo).

 Kooxda Man United ayaa u muuqata mid wayday saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Jerome Boateng  sababta oo ah waxa ay doonayaan kaliya heshiis amaah ah (Sun).

 Jerome Boateng ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda PSG xilli ay Bayern Munich diyaar u tahay in ay hoos ugu dhigto qiimaha ay ku iibinayso xiddiga kuan iibin doonto lacag dhan 40 milyan oo euro (Le Parisien).

 Kooxda Leicester city ayaa ku dhaw in ay dib ula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Danny Drinkwater sanad kaliya markii ay 35 milyan uga iibiyeen kooxda chelsea (Independent).

 Kooxaha West Ham iyo Crystal Palace ayaa sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kooxda chelsea ee Danny Drinkwater (Telegraph).

 Kooxda chelsea ayaa ogolaatay in ay xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko  uu amaah ugu biiro kooxda Ac Milan isaga oo haatan kooxda reer Italy kala hadlay heshiiska shaqsiga ah (Sun).

 Christian Eriksen ayaa diirada u fuulay kooxda Real Madrd iyaga oo u arka badalka dhabta ah ee xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric (Mirror).

 Kooxda Man United ayaa si weyn uga xanaaqsan dalabka wakhtiga dambe ah ee ay kooxda Barcelona ka soo gudbisay adeega xiddiga Paul Pogba (Express).