Wargeyska the Independent ee ka soo baxa dalka UK ayaa qoraal uu daabacay ku sheegay sababta uu Wasiirka difaaca UK Gavin Willamson uga baaqday safar uu ku iman lahaa Muqdisho.

Wasiirka ayaa booqday Magaalada Hargeysa waxaanu qorshuhu ahaa in uu booqdo Muqdisho Lana kulmo Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah saraakiisha Dowladda Soomaaliya.

Laakiin wasiirka ayaa safarkiisa u baajiyay carada dowladda UK ka qaadday ceyrinta Nicholas Haysom iyo dowladda Federaalka ah ay xirtay Mukhtaar Rooboow.

Wargeysku waxaa uu sheegay in Rooboow uu yahay qofka ugu sarreeya ee beddela aragtidiisa kana baxay Al-shabab.

Waxaa kale oo dowladda Ingiriiska ay qeyb ka ahayd howlgal ay iska kaashadeen Mareykanka oo Rooboow looga soo badbaadiyay degaannada ay heystaan Al-shabab, warkaas oo in muddo ahba LA qarinayay.

UK ayaa cambaareysay ceyrinta Haysom iyo falka lagu xiray Rooboow oo ay sheegtay in uu niyad jebinayo saraakiisha kale ee ka bixi lahaa Al-shabab.

Qaraar qabyo ah oo UK horgeysay golaha amaanka kana dhan ahaa go’aanka Xukuumadda Muqdisho ku ceyrisay Haysom ayaa lagu sheegay in goluhu ka xunyahay talaabada ay qaadday Dowlada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin aragtida UK, iyo baajinta safarkii Wasiirka difaaca ku iman lahaa Muqdisho.