Magaalada Baydhabo, waxaa ka soocta ololaha loogu jiro doorashada Madaxtinimo ee la filayo iney dhacdo bisha 11-aad ee sanadan 2018.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa xiligaasi waqtigiisu dhamaanaya, waxaana dadka tartamayo kamid ah Shariifka iyo ku dhowaad 10 Musharax oo kale, Doorashadan tii ka horeysay waxaa wax soo dooranayay Odayaasha dhaqanka, balse midan Xildhibaano ayaa wax dooranaya.

Dowladda Somaliya, ayaa il gaar ah ku heyso doorashooyinka is xigxiga ee ka dhacaya dowlad goboleedyada ee bilooyinka yar uun kala horeeya, waxaa ugu soo horeysa mida Koofur Galbeed, waxaa ku xigta tan Puntland, waxaana ku sii xigta Mida Jubaland, iyadoo tan Galmudugna waqtigeedu fogeyn.

Dowladda Somaliya, ayaan la ogeyn sida ay u kala maareyn karto doorashooyinkaas oo mid walba wadata hardankeeda u gaarka ah, Waxey ubaahantahay dhaqaale xoogan, SIyaasiyiin Aftahanno ah iyo Odayaal miisaan ku leh beelaha Xildhibaanada wax dooranaya.

Madaxda dowlad Goboleedyada oo iyaguba dhankooda og dagaalka dowladda dhexe dhankeeda uga imanaya, ayaa wada dadaalo ku aadan sidii ay kalsooni uga kasban lahaayeen Xildhibaanada miisaanka ku leh labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta hore xilalka uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Dadka doorashada Koofur Galbeed u taagan waxaa kamid ah Haweeneyda lagu magacaabo Aamino Maxamed Mursal, Waa Xildhibaa, Wasiir hore, waxey kaloo soo noqotay Lataliyaha arimaha bulshada ee C/Wali gaas, markuu dalka ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Waxey sheegeysaa iney isu aragto iney tahay qof isbadal ka dhalin karta Koofur Galbeed, maadaama sidey qabto ragii wax qaban waayeen.

Wareysi ay siisay Idaacadda Mustaqbal, waxey sidoo kale ku faahfaahineysaa wuxuu Mukhtaar Rooboow ABuu Mansuur ka doonay kulankii Kusimaha Madaxweynaha dalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu kula hadlayay dadka u sharaxan doorashada Baydhabo.

Halkan ka dhageyso Wareysigeeda:

      180830_1514 - My Recording