Mid kamid ah ganacsatada Muqdisho ayaa habeen taleefoon ii soo diray, waa Habeenkii Axadda oo Mooshinka kiciyey khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo golaha shacabka ay keeneen 92 xildhibaan oo golaha shacabka ah.

Saaxiibkey ganacsadaha ah Jidka 30ka ayuu gaari yar kumarayey, xaafadda Albaraka ee degmada Hodon ayuu kula kulmay iyada oo ciidamadu ay gaadiidka dadweynaha iyo kan gaarka ah qaarkood ay jidka ka leexinayaan lacagna weydiisanayaan.

Waa ka gudbay! Laanta Barwaaqo ee degmada Warta Nabadda (Wardhiigley) ayuu haddana isla sidii oo kale waxa uu la kulmay iyada oo ciidamadu ay gaadiidka dadweynaha iyo kan gaarka ah qaarkood ay jidka ka leexinayaan lacagna weydiisanayaan!

Markaas ayuu ii sheegay in uu I soo xusuustay si sheekadaas loo dabool qaado dadweynahana ay dhibaatadaasi uga yaraato.

Farriin nuxurkeedu ahaa sidan ayuu ii soo diray

Ciidamada Booliiska ayaa jidka 30ka waxa ay gaadiidka dadweynaha kan guud iyo gaarkaba ka qaadayaan lacag, jidka ayaa laga leexinayaa, Waa Laanta Barwaaqo ee Degmada Warta Nabadda Iyo xaafadda Albarako ee degmada Hodon

Waa Muhiim”

Intaas ugama harine waa ila soo hadlay “Sheekadaas haddii ay suuragal tahay faafiya si ay u gaarto cidda wax kaqaban karta” ayuu raaciyey.

In yar ayaan fakaray, haddii la daabaco waxa suuragal ah in loo qaato in ciidanka la dhalliilayo ama la dacaayad kadhan ah la faafinayo haddii laga aamusana dhib ayaa taagan.

Nin kale oo aan saaxiib nahay kuna jira nidaamka xukuumadda ayaan u diray Farriintii oo aanan waxba ka reebin!

Isna lama daahine waxa uu sideedii ugu wareejiyey madaxda saldhigyada Booliiska ee Hodon iyo Warta Nabadda!

Wax isla doontay ma aqaane ciidan kasocda labadaas saldhig iyo madaxdii ciidanka ayaa waxa ay tageen Albaraka iyo Laanta Barwaaqo ee degmooyinka Hodon iyo Warta Nabadda.

Waxa ay ku beegmeen iyada oo howshii socoto, oo baabuurta dadweynaha iyo kuwa gaarka ahba laga qaadanayo lacag,  Kaddibna waxa ay qabteen madaxdii iyo Askartii qaabilsanayd howsha, kaddibna waxa si fudu ay u heleen Askarta Falfal xumadaas ku jirtay, la lama daahine xabsiga ayaa la dhigay isla habeenkaasna Askar kale ayaa lagu bedelay.

Waxa ay taasi i xasuusisay in Warbaahinta looga faa’iideysan karo si nabadda loo dhiso.

WQ: Axmed C. Guutaale