Kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa ku biiray liiska Kooxaha sida joogtada ah ula socda da,yarka kooxda RB Salzburg ee Hannes Wolf (Mirror).

 Kooxda Liverpool ayaa naftooda ku arkay iyaga oo ugu cad-cad saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele marka la gaadho suuqa January kadib markii ay Barcelona suuqa dhigtay xiddiga (Don Balon).

 Kooxda Man United ayaa war fiican ka heshay xiddiga bartilmaameedka wakhtiga fog u ahaa ee Goncalo Guedes kadib markii uu xiddigu qirtay in uu isaga tagi doono kooxda hadii uuna boos joogto ah ka helin (TV station Movistar).

Zinedine Zidane ayaa ku soo laaban doona shaqada tababaranimo 6 bilood kadib markii uu isaga tagay kooxda Real Madrid (AS).

 Saxiixa Cusub ee kooxda Ac Milan Lucas Paqueta ayaa shaaca ka qaaday in uu kooxdiisa cusub u xidhan doono maaliyada No.39 (Globe Esporte).

 Kooxda Real Madrid ayaa dalab 20 milyan ah ku dalban doonta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey kadib markii ay la dheceen qaab ciyaareedkiisa kulankii Tottenham (Don Balon).

 Kooxda Barcelona ayaa dhigeeda Ac Milan u soo bandhigtay fursad ay kula saxiixan doonto xiddiga khadka dhexe ee Denis Suarez xilli ay boos u banaynayaan xiddiga Rabiot (Calciomercato).

 Kooxda Marseille ayaa xaqiijisay in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Alberto Moreno (L’Equipe).

 Kooxda Borussia Monchengladbach ayaa mar kale heshiis amaah ah ku doonaysa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Andreas Christensen marka la gaadho January (Kicker).