Ku biiristii Cesc Fabregas ee kooxda Monaco ayaa hakad galay maadama ayna kooxda reer France Chelsea kala heshiin qiimaha lagu iibinayo xiddiga khadka dhexe (Evening Standard).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Barcelona si ay uga hesho xiddiga Philippe Coutinho iyaga oo diyaar ula ah 100 Milyan oo euro (Caught Offside).

Xiddigaha Kooxda Man United ayaa doonaya in uu Ole Gunnar Solskjaer noqdo tababaraha buuxa ee kooxda Man United (Mirror).

Kooxda Atletico Madrid aya diiday dalab ay Man United ka gudbisay daafaca khabiirka ah ee Diego Godin (Tutto Mercato Web).

Kooxda Real Madrid ayaa bilowday isku dayga saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen iyaga oo diyaar ula ah 100 Milyan oo euro (Independent).

Kooxda Juventus ayaa dalabyo ka diiday kooxaha Man City iyo Bayern Munich kuwaas oo ay ku doonayeen xiddiga Paulo Dybala (Tuttosport).

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayern Munich ayaa ku dhaw in ay Liverpool ku garaacaan weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werne (Bild).

Kooxda Arsenal ayaa dhigeeda Man United uga horaysa tartanka loogu jiro xiddiga garabka ka ciyaara ee Yannick Carrasco (Mirror).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa maamulka koxodiisa u sheegay in ay si deg-deg ah u dhamaystiraan saxiixa Denis Suarez (Evening Standard).

Kooxda Juventus ayaa xoojin doonta dagaalka ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco (Tuttosport).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sidoo kale kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan kooxda James Rodriguez si uu ugu tartamo koobabka xilli ciyaareedkan (Don Balon).

Xiddiga khadka dhexe ee Exequiel Palacios ayaa sheegay in uu wadahadalo horumar leh kula jiro kooxda Real Madrid (Radio Rividavia).