Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha uu dhaliyey Dab xalay Qabsaday qeyb ka mida Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa Xalay Saq dhexe lagu guulaystay in ladamiyo waxaana qeyb wayn ka qaatay gaadiidka Dab damiska oo ay u suurtagashey in dabku baqtiyo.

Dabka xalay ka kacey qeybo kamida Bakaaraha

Dabka ayaa lasheegay in uu ka dhashay Koronto uuna qabsaday Tukaan yar oo Huudayda lagu iibiyo ka dibna uu ku fiday qeybo kamida Suuqa Soomaaliya ugu weyn ee Bakaaraha.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo xubno la socday ayaa tagay goobta dabku qabsaday,si ay ugu koor galaan Xaaladu sida ay tahey.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Tuulax

Dabka ayaa la xaqiiyey in uu baabi’yay hanti badan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo hada ku hanti beelay dadka qeybo kamida Suuqa Bakaaraha Bur buriyey.

Midka kamid ah dadka hantidooda ku waayey dabkii xalay Qabsaday qeybo kamida Bakaaraha ayaa Mustaqbal Radio u sheegey in ay jiraan dad ganacsato ah oo dhaawac ka soo gaaray dabka iyaga oo doonaya in ay bad baadiyaan Hantidooda.

Meelaha uu sida gaarkaa u saameeyey dabku waxaa kamida Suuqa Khaliifa,Qeybta Maacuunta,Bacadlaha Bakaaraha iyo Huudayda,mana jirto ilaa hada qiimayn rasmi ah oo lagu sameeyey Khasaaraha Hantiyadeed ee ka dhalatay dabkii Xalay ka Kacay qeybo ka mida Suuqa Bakaaraha.

Fabaraayo 2017 ayey aheed markii saa noo kale dab ugu kacay Suuqa Bakaaraha oo uu dhaliyey Khasaaro is kugu jira mid Nafeed iyo mid hantiyadeed.