Ugu yaraan 2 Qof oo Carruur ah ayaa dhimatay halka ay todobo kale dhaawacmeen kaddib markii uu waraabe weerar ku qaaday dad ku sugnaa Gobolka Awdal ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Dadkaan ayaa ku nool Deegaanada Miyiga ah ee hoos taga Degmada Lughaye ee Gobolka Awdal, waxa ay sheegeen in Xiliyada Habeenkii ah uu badanyahay weerarka Waraabaha.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in labo kamid ah Carruurta uu la tagay Waraabaha ay u geeriyoodeen Dhaawac uu gaarsiiyay.

Xasan Cabdi Riyaale; oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka uu dhaawaca u geystay Waraabaha la geeyay isbitaalo ku yaalla Booramaha, Hargeysa iyo Jabuuti.

Waxa uu tilmaamay in ay qarka u saaran yihiin in guud ahaan isaga guuraan Deegaanka, maadaama tirada dadka dhibanaha u ah waraabaha ay sii kordhayaan.

Xasan ayaa dalbaday in laga gacansiiyo sidii ay isaga dhicin lahaayeen Waraabaha oo naftooda halis geliyay.