Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku ku qaabilay Amb Mehmet Yilmaz oo ka socda dowlada Turkiga oo booqasho ku jooga Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland,iyaga oo halkaasi kulan ku yeeshey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Amb Yilmaz ayaa kulankooda ugu wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya Turkiga iyo Somaliland,Hormarinta Mashaariicda Turkigu ka sameeyo gudaha dalka iyo qodobo kale.

Wafdiga Turkiga Iyo Madaxweyne Muuse Biixi

Kulanka waxaa madaxweyne Biixi ku wehlinaayey wasiiradda  arrimaha Dibada iyo caafmaadka Somaliland oo kulanka qeyb ka ahaa, waxaa kale oo kulanka lagu soo hadal qaaday qodobo ay ka midyihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu siiqaadi lahaa.

Sawirada wafdiga tagey Hargeysa

Dowlada Turkiga ayaa wada qorshe ay dooneyso in ay kuwada hadalsiido Dowlada Fadareelka Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowr mar oo hore fashilmay.