Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in go’aanka lagu saarayo Ciidamada Burundi ee ka howlgala degaannada Hirshabeelle uu yahay mid xanuun badan islamarkaana waqtigiisa aan la gaarin.

Mr Waare ayaa kulan la qaatay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa AMISOM.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fulinta qorshaha dhimista Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya,iyada oo 28ka Bishan la qorsheeyay in 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi ka baxaan Soomaaliya.

Ciidanka Burundi ayaa ka howlgala Hirshabeelle waxaana saldhiggooda ugu weyn uu ku yaalla Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira , ayaa sheegay in isaga oo ka xun haddana go’aanka lagu saarayo Ciidanka Burundi uu yahay mid ku qeexan qorshaha bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in haddii Ciidanka Burundi ay ka baxaan degaannada Hirshabeelle ay taas sare u qaadeyso awoodda AL-shabaab islamarkaana ay weerarro hor leh ka fulinayaan degaannada Hirshabeelle.