Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ayaa saaka deggan kaddib dagaal xalay fiidkii ku dhexmaray AL-shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Ciidamo ka tirsan AL-shabab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Ruusiya ee Magaalada Marka.

Dagaalka oo muddo socday kaddib ciidamadii Al-shabaab ee weerarka qaaday ayaa isaga laabtay xaafadda.

Waxaa ay wararka sheegayaa in Ciidamada dowladda ay saaka howlgal ka wadaan xaafadaha Magaalada Marka gaar ahaana xaafadda uu weerarka ka dhacay iyo kuwa la deriska ah.

Ciidankii  Al-shabab ee weerarka ku qaaday Magaalada Marka ayaa la sheegayaa in ay dib ugu laabteen degaanka Jilib Marka ee duleedka Magaalada.