Jawaabta Su’aasha “Waa maxay war” waxa ay noqon kartaa, War waa wixii cusub; waa waxa xilligaas la joogo dhacaya, haddii aad eegto/fiiriso sida Qaamuusku u qeexayo War waa “Warbixin kusaabsan dhacdo taagan ama xog aan horay loo ogeyn” balse inta badan waxyaabaha ka dhacaya adduunka maalin walba ma wada aha war lagu daabici karo bogga hore ee Wargeyska ama laga lalin karo Raadiyaha iyo Telefeshinka.

Sidaas awgeed wixii sheeko wareedka kadhigi kara mid xiiso leh (Newsworthy)[1] ayaa ah Warka lagu daabacayo Wargeyska ama  laga baahinayo Raadiyaha iyo Telefeshinka.

Jawaabta rasmiga ah ee su’aasha “Waa maxay war?” waxa ay kuxiran tahay nuucyada sababaha warka sameeyey, waxaana xadeynaya dhegeystayaasha warkaasi xogta ay rabaan in warku sido iyo su’aalaha ay jawaabaha u doonayaan, waxaa lagayaabaa in Qodob-wareed war weyn ka ah Nayrobi in uusan wax la sheegaba ka ahayn Muqdisho, sidaas awgeed tifaftirayaasha iyo tebiyeyaasha ayay tahay in ay go’aan ka gaaraan nuuca warka ay tahay in la baahiyo iyaga oo go’aankooda ku dhisaya 6-da Astaamood ee tayada warka (News values) ee soosocda

  1. Cusayb (Timeliness)

War laqabaa xiiso maleh, maahmaahdaas Soomaaliyeed ayaa kufilan qeexidda astaanta koowaad oo ah sheekada warku kusaabsan yahay in ay cusubtahay,  markaas taagan tahay ay jiraan wax laga baranayo islamarkaana sax tahay, haddii ay sidaas tahay qodob wareedkaasi waxa uu leeyahay xiiso iyo sabab ay dhegeystayaasha u dhegeystaan.

Wargeyska todobaad laha ay iyo telefeshinka 24-ka saac hal war kuwada jiro waxa suuragal ah in warkaas ay muddo todobaad ah u qaataan sida war cusub, tusaale xaglo kaladuwan ayay ka fiirinayaan, halka Raadiyaha iyo Kanaalada Telefeshinka uu warkaasi u yahay war degdeg ah ama sii socon kara iyada oo dabagalkiisu ku jiro muddo kooban oo 4 saac aan ka badnayn.

Xarumaha Raadiyaha iyo Telefeshinada qaarkood waxaa suuragala h in islamarka ay dhacdadaasi taagan tahay in ay si toos ah u soo tebiyaan, taasina waxa ay sheeko-wareedka kadhigi kartaa mid waqtigeeda baahintu gaabto haddii aanay ahayn sheeko saameyn weyn oo fiican ama xun[2] ka tagtay[3]

  1. Hadalhayn (Currency)

Dadweynuhu ma hadalhayaan sheeko-wareedka?

Doodda Nabadgelyada Muqdisho ee lagu furay kalfadhiga 4aad ee golaha shacabku waxa ay leedahay xiiso weyn iyo hadalhayn badan, sababtuna waa baahida badan ee muwaadiiinta kunool Muqdisho ay u qabaan Nabadgelyo guud oo malaha wax walba kahoreysa.

Haddii dooddaas ay dadweynuhu kubiiraan oo m adaxada laamaha dowladdu kaqaybgalaan maalmo dhan ayay noqoneysaa war weyn oo socda, sababtuna waa hadalhaynta iyo muhiimadda ay sheekadu leedahay

Mustaqbal Radio

WQ: Axmed C. Guutaale

La soco casharka xiga oo ay kujiraan Astaamaha tayada warka ee dhimman

[1] Independent Journalism, Deborah Potter

[2] – Qarixii 14-Oktober-2017 kadhacay Isgoyska Zope waxa uu yeeshay saameyn xun

[3] – Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Shiinaha haddii uu hirgalo waxa uu yeelanayaa saameyn weyn oo fiican