Dowladda Soomaaliya aya bishii August ee sanadkii 2018kii shaacisay in jagada Guddoomiyaha Bangiga dhexee Soomaaliya ay banaan tahay una tartami karaan Soomaali iyo Ajaanib.

Wixii xilligaas ka dambeeyay jagadaas banaan waxaa codsaday 150 Qof oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jira,waxaana laga soo xulay (Shortlisted),16 qof, wareysigii waxaa  ka soo gudbay 7 qof oo ay saddex Ajaanib tahay, 4na Muwaaddiniin Soomaali ah yihiin.

Ugu dambeyna waxaa shaqadii ku guuleystay Nigel Roberts, oo ah Nin Ajanabi ah kana mid ah saddeexdii qof ee ka midka ahayd 7dii qof ee ugu dambeyn isu timid.

Nigel Roberts,waxaa uu u dhashay Dalka UK,waxaa uu sanadkii 1981dii ku biiray Bangiga Adduunka,waxaa uu ka shaqeynayay qeybta Dhaqaalaha Beeraha (agricultural Economist).

Waxaa uu lataliye Bangiga adduunka uga noqday arrimaha Dhaqaalaha ee Soomaaliya,Myanmar, Falastiin, Lebonan.

Waxaa uu muddo ku noolaa kana shaqeyn jiray dalalka kala ah; Thailand, Kenya, Ethiopia, iyo Nepal,inta badan waxaa uu ka ahaa agaasime ama la taliye,waxaana uu in ka badan 40 Sano ku jiray arrimaha dhaqaalaha iyo Beeraha, Shahaaddada dhaqaalaha Beeraha waxaa uu ka qaatay Jaamacadda Reading University ee Dalka UK.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay xeer oggolaanaya in Bangiga dhexe ee dalka uu Guddoomiye ka noqon karo qof Ajannabi ah,waxaa lagu waday in maanta uu Golaha shacabka ka doodo xeerkaas, hayeeshee kulanka ayaa dib u dhacay,waxaana lagu wadaa in ay meel mariyaan 14ka Bishan oo Golaha shacabka loo ballamiyay in ay isu imaadaan.