Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo ay ku koriso agoonimo, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso waxa ay subax walba u jarmaadaa goob ay Shaah ku iibiso oo ku taalla nawaaxiga Dakada Muqdisho.

Subax kamid ah  bishii dhammaatay ee Agosto 5:15 AM  ayay ka soo baxday gurigeeda oo kuyaal degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, iyada kusocota maqaayaddeeda ay Shaaha ku iibiso, waxyar markii ay socotay waxa ay la kulantay dhacdo aan ku cusbeyn maqalkeeda balse ay aheyd markii ugu horeysay oo ay la kulanto.

Image may contain: shoes, plant, outdoor and nature
Sawirka MustaqbalMedia :Sawirkan waxa laga soo qaaday goobta bahalku ku cunay cunugga yar

Bahal diggaagga cuna oo Dabacaddeeye la yiraahdo ayaa ku foorara bac weyn oo dhextaal qashin hoos yaal geed yuhuud/Isbaxaa ama garanwaa, bacda wax nuuxsanaya ayaa kujira cod gaaban oo ooyin ilmo ahna waa ay maqashay, bahalkii markii uu saanqaadka iyo qajafta maqlay ayuu dhinaca shanqartu kayeertay ma aha ee dhinaca kale u booday

Muna waxa ay indhaha kudhufatay ilmo yar oo wejigiisa oo dhan dhiig qariyey, waxa ay xaqiiqsatay in dabacaddeeyuhu cunugan yar ee bacda kujira cunayey oo hadba cad kamid ah wejiga ka goosanayey!

Afka labadi ayay dhawaaqday, Ashahaadada iyo erayadii dumarka ee ba’ay iyo tubtina waa isku dartay,  cunuggii ayay soo habaatay! waa Wiil,  kaddibna dhowr qof oo kamid ah guryihii u dhowaa meesha bahalku ku cunayey cunugga ayaa soo baxday, qaarkood waxa ay u sheegeen Muna in ay maqlayeen ooyinta cunugga yar balse ay la ahayd in derisk ilma ka xnnuunsan yihiin

Image may contain: people sleeping
Maxamed Sahal oo ku jira marakaneeco iyo daryeel

Waxa ay geysay degmada Boondheere si loo diiwaangeliyo, kaddiba Isbitaalka Banaadir ayaa loola cararay, waxa uu ku jiray muddo 32 maalin ah, dabacaddeeyuhu jirka kale ee cunugga ma taaban balse waxa uu dhaawac weyn ayuu gaarsiiyey dhanka midig ee madaxa, lafta ayaa caddaatay oo bannaanka u soo baxday,  waxaa loo mariyaa daawooyin soo celinaya Maqaarka jirka.

Muna waxa ay ula baxday Maxamed Nasiib marna waxa ay ugu yeertaa Maxamed Sahal,qiyaastii  waxa uu dhalan yahay afartameeye maalin  oo 32 ka mid ah uu isbitaalka  ku soo qaatay,

Muna Cabdulqaadir oo ah hooyada soo qaaday wiilkan waxa ay u sheegtay Mustaqbal Radio in ay go’aansatay xannaaneyntiisa iyo  korintaasa iyada oo shaqadeedii shaah karinta u joojisay heynta Maxamed Nasiib inta uu ka caafimaadayo.

Image may contain: 2 people, including Nasriin Mohamed Ibrahim, people sitting
Midig: Nasriin Maxamed Ibraahin oo katirsan Mustaqbal Radio Bidix: Muna Cqaadir oo ah gabadha soo qaadday wilka

Dhibaatada gaartay Maxamed Sahal waxa sababay waalidkii oo ay suuragal tahay in ay u dhaqmee si qaldan, basle sababta hooyadii ugu loogtay cidlada iyo Bahalka waxa qayb ka ah naxariis darradii lagu sameeyey iyo Dhaqanka ummadda Soomaaliyeed oo si adag ula dhaqma ilma sidaas ku dhasha.

Hadda waxa ay Muna Cabdulqaadir u baahan tahay caawinaadda dowladda iyo kaalmada bulshada.

Haddii aad caawin karto kala xiriir +252615954658 ama +252616559616

Aqrinta maqaalkani sidee kula tahay?

Mustaqbal Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here