Ururka Shaqaalah Dalka Joordan oo ay ku mideysanyihiin dad ka badan 180,000 oo Qof ayaa waxaa ay go’aan ku gaareen in Xafiiskooda ay ku goglaan Calanka Israel si qofkasta oo Xafiiska gelaya uu ugu Istaago.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Israel ay warqad cabasho ah u gudbisay Wasaaradda arrimaha dibadda Joordan.

Israel ayaa horay uga carootay markii Wasiir ka mid ah Dowladda Joordan uu ku dul socday Calanka Israel oo xafiiska Ururka Shaqaalaha ku goglan.

Shaqaalaha ayaa ballan qaaday in ay arrintan ku adkeysanayaan siina wadayaan in Calanka Israel goglanaado Xafiiskooda.

Hoggaanka Shaqaalaha ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan xiriirka Dowladda Joordan iyo Maamulka Israel.