Sida ay saaka qorayaan Warbaahinta Dalka Kenya, Madaxweynaha dalkaas ayaa u safraya Dalka Eritrea,waxaana uu la kulmayaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki .

Dowladda Kenya ayaa Eritrea u aragta dal taageera Al-shabaab, una gudbiya hubka sidoo kalena u tababara Ciidamada Al-shabab.

Sanadkii 2011kii labo diyaaradood ayaa ka degay dhul ay maamulaan AL-shabaab,inta badan waxaa farta lagu wada fiiqay Eritrea inkasta oo aan la xaqiijin,waxaa loo arkayay diyaaradahaas in ay hub u wadeen Al-shabab.

Uhuru Kenyatta ayaa u arka Eritrea dal muhiim u ah AL-shabaab,waxaana uu doonayaa in isaga oo u maraya diblomaasiyadda uu joojiyo taageerada uu tuhmayo in Al-shabab ay ka hesho Eritrea.

Kooxdii dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsaneyd Arrimaha Eritrea iyo Soomaaliya ayaa dhowr jeer Eritrea ku eedeeyay in ay taageerto Al-shabaab.

Inkasta oo eedahaa ay iska fogeysay Eritrea haddana muddo dheer kaddib golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateynta ka qaaday Eritrea sanadkii la soo dhaafay markii ay heshiis la gaartay Itoobiya,wadahadalna la furtay Jabuuti.

Mr Kenyatta ayaa sheegay in Eritrea ay muddo dheer qeyb ka ahayd mushkiladda Bariga Afrika ee dhinaca amaanka ah,haddase ay xalka qeyb ka noqon karto.

Lifaaqa hoose ka aqri.

https://www.standardmedia.co.ke/article/2001311130/relations-with-eritrea-are-vital-in-the-fight-against-al-shabaab