Taci,waa Bisad ama Mukulaal 7 jir ah oo uu Miisaankeedu xad dhaaf noqday marka la bar bar dhigo heerka Mukulaalaha kale ee caadiga ah.

Waxaa uu Miisankeeda gaarayaa 19.2kg, waxaa lagu xannaaneeyaa hadda xarun Xannaanada Xoolaha oo ku taalla Gobolka Izmir ee dalka Turkiga.

Xarunta Xannaanada Xoolaha ayaa u sameysay Cunto gaar ah,waxaana lagu hayaa Xarun daryeel oo kaliya la siiyo cunto Miisaaman.

Miisaanka Bisadda ayaa hadda si tartiib tartiib ah isu dhimaya sida uu sheegay  Hüseyin Mutlu oo ah guddoomiyaha maamulka degaanka.

Hüseyin Mutlu,waxaa uu ballan qaaday in marka ay dhameeyaan miisaandhimidda ay geyn doonaan xarun u gaar si halkaas loogu ilaaliyo.

Mushkiladda ugu weyn waxaa ay Taci ka heysataa socodka,sababta oo ah aad ayey u cayilan tahay,waxaana sidoo kale u nugushahay weerarka Bisadaha kale oo inta qaniina ka baxsada,maaddaama aysan orod iska daaye socon karin.

Obese stray cat Taci begins losing weight after starting diet

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Isha: Daily Sabah.