Mülayim Can, oo ah 95 jir u dhashay Dalka Turkiga aya waxaa uu awoowe u yahay dad ku dhow 200 qof oo ah ilmihiisa ilmaha ay dhaleen.

Waxaa uu Mülayim Can, ku noolyahay Gobolka Galbeedka Turkiga ku yaalla ee Bursa, halkaas oo uu cimrigiisa inta badan ku qaatay.

Sheekada Odaygan ayaa soo shaacbaxay markii Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Talada haya ee AK Party, Vildan Yılmaz Gürel, ay booqatay Gurigiisa iyada oo ku jirta olole doorasho.

Can, ayaa intii ay sheekeysanayeen Vildan  u sheegay in uu guursaday 2 jeer loona dhalay 12 Carruur ah,kuwaas oo ay ka farcameen 43 qof oo iyaguna sii dhalay 152 qof.

Waxaa uu asalkiisa ka soo jeedaa dalkii la dhihi jiray Yugoslavia, waxaa uu sheegay in uu ka soo qeyb qaatay dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Mülayim Can, ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ugu duceeyo salaadaha kaddib isaga oo xusay in uu la dhacsanyahay hoggaamintiisa.

Isha: Daily Sabah.